Published On: Sun, Jul 31st, 2016

Beesha Caalamka oo Cambaareysay Qaraxyadii lagu weeraray xarunta CID

qara

Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii maanta lagu weeraray xarunta dambi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

War Qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayay ku sheegeen in ay aad uga xun yihiin falalka qaraxyada noocaan ah oo ay caadeysteen Al-shabaab in ay la beegsadaan, Xarumaha iyo goobaha kale ay ku badan yihiin dadka shacabka ah aan waxba galabsan.

Sidoo kale warka Qoraalka ah ayay ku sheegeen in ay xoojinayaan dib u dhiska Ciidaanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si Al-shabaab guud ahaan dalka looga saaro.

Waxa ay sidoo kale tacsi u direen Qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta dambi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Tirada guud dadka ku dhintay qaraxyada ayaa gaaraya 13 ruux oo todobo ka mid ah yihiin Raggii Shabaabka ka tirsanaa, maadaama labo ay isqarxisay, halka Shanta kalena la toogtay, sidoo kale lixda ruux ee kale ayaa kala ahaa hal Askari iyo Shan ruux oo shacab ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300