Published On: Thu, Jul 28th, 2016

Turkiga oo ku dhawaaqay in shaqada laga eryay 2,400 ruux oo Millateriga ka tirsan

turkiga

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay ku dhawaaqday in shaqada laga eryay Ciidamo Millateri ah oo gaaraya 2,400 oo Askari, kuwaasi oo lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen Qorshihii dhicisoobay ee Afgambiga.

Qorshaha lagu xiray ciidamadan ayaa waxa ay jawaab celin u aheyd afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga ka dhacay Bishan gudaheeda, waxaana la xiray dhowr xarumo Warbaahineed ah.

Ugu yaraan hal wariye, ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo la soo saaray amar lagu soo xiraayo 50 ruux oo hore uga tirsanaa shaqaalaha tifaftirka warbaahinta Zaman ee dalkaasi Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale xirtay xarumo badan oo Hay’ado ah iyo Iskuulo badan, kuwaasi oo la sheegay inuu lahaa ninka lagu tuhmaayo inuu qorsheeyay Afgambiga fashilmay.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa ku tilmaamtay tallaabada noocaasi ah mid kaliya ka tarjumeyso hab aan qurxooneyn.

Warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa ku waramay in dowladdu ay ku amartay in la xiro illaa iyo 45 wargeys, seddex wakaalad wareedyo iyo lix iyo taban talefishinno

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300