Published On: Thu, Jul 28th, 2016

Puntland oo beenisay hadal kasoo baxay Somaliland

Maxamuud Xasan Soo caddeMaamulka Puntland ayaa beeniyay in waxgarad iyo siyaasiin ka soo jeeda maamulka Puntland ay heshiis la gaareen maamulka Somaliland oo ay ku dagaalameen gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo cadde ayaa ka hadlay hadal shalay uu sheegay wasiirka warfaafinta Somaliland kasoo ahaa in ay heshiis la gaareen waxgarad kasoo jeeda Puntland, waxa uuna ku tilmaamay hadalkaasi mid aan raad la heyn.

Wasiirka ayaa sheegay in waxgaradka Puntland ee ku sugan gobolka Sanaag la qasbay oo qoryo lagu qabtay ka dibna muuqaal laga soo duubay.

Maxamuud Xasan Soo cadde ayaa sheegay in Somaliland ay ka been abuurtay waxgaradka Puntland.

Shalay ayey aheyd markii uu wasiirka warfaafinta Somaliland uu sheegay in ay heshiis la gaareen waxgarad kasoo jeeda Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300