Published On: Wed, Jul 27th, 2016

Shabaab “Saalax Badbaado ayaa fuliyay Qaraxyadii Xalane

saalax
Al-shabaab ayaa sheegtay in Saalax Badbaado oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Idaacada A-Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay codka mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii is qarxinta ahaa ee ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaado ayaa uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu fariin u diray shacabka ka soo jeeda deegaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300