Published On: Wed, Jul 27th, 2016

Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Caawa uu dab qabsadey.

breaking news
Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in caawa fiidkii uu Dab qabsaday Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa oo ku yaala agagaarka Xarunta Madaxtooyada.

Wararku waxay leeyihiin Lama oga waxa sababay dabka, inkastoo warar qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay wax loo maleynayo inay tahay cilad koronto.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ee dab damiska ayaa u gurmaday guriga Wasiirka, iyadoo markii dambe lagu guuleystay in dabka la damiyo.

Wasiirka ayaa guriga ka maqnaa xilliga uu dabka ka kacay, hase ahaatee waxaa la sheegay in xubno ka tirsan qoyskiisa ay ku sugnaayeen.

Waxaa adag in laga helo faah faahin ku aadan dabka iyo khasaaraha hantiyadeed uu geystay, balse waxaa la sheegay in aanu geysan wax khasaare nafeed.

Mas’uul ka tirsan Waaxda Dab damiska ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay dabka damiyaan, ka hor inta aanu qeybaha kale ee guriga u soo gudbin.

Wararka ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300