Published On: Tue, Jul 26th, 2016

Madaxweynaha Koofurta Sudan oo xil ka qaadis ku sameeyay kuxigeenkiisa Rek Machar

Salva Kiir And Riek Machar
Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Reik Machar, labo todobaad kadib markii dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Caasimada Jubba.

Reik Machar ayaa lagu arkin meel fagaare ah, tan iyo markii dagaalo ay dib uga qarxeen Caasimada Jubba labo todobaad ka hor, kaasoo ay ku dhinteen 300 oo ruux.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa loo magacaabay Taban Deng Gai oo ahaa Madaxii hore ee wada xaajoodka dhinaca Nabadda.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Reik Machar ayaa waxaa dhaleeceeyay taageerayaashiisa, balse waxaa taageeray xubnaha kale ee Xisbiga.

Tallaabada xil ka qaadista lagu sameeyay Madaxweyne kuxigeenkii Koofurta Sudan ayaa sii cakireysa xaalada siyaasadeed ee dalkaas oo muddooyinkan qasneyd.

Waxaa laga cabsi qabaa in taageerayaasha Reik machar ay ku dhawaaqaan inuu bur buray heshiiskii nabada ee sanadkii hore ay gaareen Salva Kiir iyo Mr Machar.

Koofurta Sudan ayaa waxaa dhamaadkii sanadkii 2013 ka qarxay dagaalo sokeeye oo dad badan ku dhinteen, kadib markii uu fashilmay isku day afgambi la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweynaha Koofurta Sudan salva Kiir.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300