Published On: Tue, Jul 26th, 2016

Booliska Kenya oo sheegay in ay ka feejigan yihiin Weerarada Al-Shabaab

kenya

Ciidanka Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka guud ee magaalada Mombaza  ee dalka Kenya ka dib markii ay soo baxday cabsi xoogan oo ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay sugan yihiin gudaha magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Mombasa Mohamed Maalim ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ku jiraan heegan sare si looga hortago musiibada kasta.

“Waxaan ku jiraan heegan sare , waxaana loo hubinaaya muwaadiniinta oo dhan si fiican . Waxaan sidoo kale la soconaa dhammaan goobaha kale ee waaweyn ee  magaalada Mombasa , “ayuu yiri gudoomiyaha Mombaza  isagoo la hadlaayey  wargeyska Star.

Warbixin ay sirdoonka dhawaan shaaca ka qaadeen  ayaa lagu sheegay in magaalada Mombasa ay u nugulshahay weerarro argagixiso oo maleegayaan  Al-Shabaabka ka dagaalama  Soomaaliya .

Al-Shabaab ayaa horay u sheegay inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya, ilaa ciidamada Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300