Published On: Mon, Jul 25th, 2016

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta lagu caleemo saari doono Beledweyne

Ugaas Xasan Ugaas KhaliifMagaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa shalay gaaray Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin.

Wafdigan ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan Xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in maanta ay ka dhacdo magaalada Beledweyne.

Diyaar garowga xaflada caleema saarka ayaa saakay si weyn uga socota magaalada Beledweyn, iyadoo magaalada ay weli ku qul qulayaan wafuud isugu jirta siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, Guddoomiyeyaal hore iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Beledweyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la magacaabay Guddi ka shaqeynaya xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa bedelaya walaalkiis Ugaas C/raxmaan oo horaantii Bishii Janaayo ee sanadkan ku geeriyooday magaalada Beledweyne.

Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku soo aadeysa xilli weli uu hakad ku jiro dhismaha shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300