Published On: Mon, Jul 25th, 2016

Francisco Madeira oo booqday Gobolka Sh/Dhexe

A1-3

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira, oo ay wehliso Ku xigeenkiisa, Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneraal Subagle, ayaa booqday Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ambassador Francisco Madeira, ayaa ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuu baray Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneral Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti.

Intaasi kadib Saraakiisha ciidamada Burundi ee Jowhar ku sugan ayuu Madaxa AMISOM kala hadlay xaqiijinta ammaanka Degmada Jowhar iyo qaadista dagaalo lagu wajahaayo Ururka Al-shabaab.

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jeneral Cismaan NUur Subagle oo la hadlay ciidamada ayaa u sheegay in shaqada Soomaaliya loo joogo ay tahay nabadeynta dalka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay howlgalka ciidamada AMISOM in uu wajahayo marxalad cusub oo isbedel hogaaneed ah, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in ciidamada ay la qabsadaan.

Ciidamada Burundi ee ku sugan Degmada Jowhar ayaa degan Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

A6-1 A1-3 A2-1 A4-1 A5-1

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300