Published On: Sun, Jul 24th, 2016

Somaliland oo dil ku xukuntay 8Nin oo lagu helay dilka Taliyihii Booliska Saaxil

Maxkamad-620x330

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Somaliland ayaa dil toogasho ah ku ridday 8Nin oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dilka Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil,Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf.

Xukunka siddeedan nin waxa xaqiijiyey taliyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee somaliland Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida waxa uu sheegay in siddeed nin oo kale lagu xukumay midkiiba toddoba sano oo xarig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan bilowgiisii.

Qareenka difaacayay dadkan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa xukunkan ku sifeeyey mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

Waxa uu intaasi ku daray in dadkan oo dhammaan ah dad rayid ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda.

Qareen Maxamed Jaamac Cabdi waxa uu caddeeyey in ay maxkamadaha sharciga u leh u qaadanayaan Rafcaan,si looga laabto Xukunka dilka ah ee lagu riday Raggaas eedeeysanayaasha ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300