Published On: Sun, Jul 24th, 2016

Saraakiil ka socotay Booliska dalka Mareykanka oo soo gaaray Muqdisho

5561988521_a9701e9f15

Saraakiil ka socotay Boliska dalka Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana ay kulan la qaateen madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.

Ujeeda ay u soo gaareen Muqdisho  saraakiisha ka tirsan booliska dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay tahay  xoojinta iyo wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.

Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay dowladda Mareykanku ay sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300