Published On: Sat, Jul 23rd, 2016

Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay howl gallo dad fara badan lagu soo qabtay

ciidan-nabadsugid--768x480Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa faah faahin ka bixiso howl gallo ciidamada ammaanka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qabtay dad ka badan 200 ruux.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in howl galkan ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, laguna soo qab qabtay illaa 250 ruux.

“Howl galada Ciidamada Amniga sameeyeen waxaa lagu soo qabtay dad badan oo gaarayay 250, dadkaas waxaa laga soo dhex saaray 3 ruux looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab”ayuu yiri C/kaamil.

Waxaa uu sheegay in saddexda ruux la marsiin doono baaritaano dheeraad ah, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan hey’adaha ammaanka, lana marinayo sharciga.

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa maalmihii u dambeeyay howl gallo xiriir ah ka waday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, inkastoo howl galada socdaan hadana waxaa magaalada ka dhaca weeraro Al-Shabaab ay geystaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300