Published On: Sat, Jul 23rd, 2016

Somaliland oo Masar ku eedeysay in ay hubeyneyso Soomaaliya

Wasiir-Cadami

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Somaliland  Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa sheegay in Dowladda Masar ay illowday abaalkii ay u gashay Somaliland markii ay dagaalka kula jirtay Israel.

Caddami waxaa uu Masar ku eedeeyay in ay hubeyneyso Soomaaliya,waxaana uu ka digay in ay dhibaato ka dhalato Hubka Dowladda Masar ay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya.

Caddami,waxaa uu sheegay in Dowladda Masar ay hubka ku wareejisay Dad diiddan jiritaanka Somaliland sidoo kalena aan qaadi karin Mas’uuliyadda hubka iyo adeegsigiisa,waxaana uu hadlkiisa raaciyay in Masarta abaalka u heysa Somliland ay ka mid ahaayeen Jamaal CabdiNaasir iyo Anwar Sadaad,kuwaas oo uu sheegay in Somaliland ay caawisay markii ay dagaalka kula jirtay maamulka Israel.

Madaxda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay la wareegeen hub aysan mas’uuliyaddiisa qaadi karin,.waxaana uu ka digay in hubkaas lagu waxyeelleeyo Somaliland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300