Published On: Sat, Jul 23rd, 2016

Qarax xoogan oo laga maqlay banaanka hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho

qarax

Qaraxan oo ka dhashay Gaariga lagu soo xiray waxyaabaha qarxaya ayaa waxuu ka dhacay banaanka hoteel Wehliye oo ku yaalla nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya  ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa la haa Xildhibaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa, waxaana Xildhibaanka uu ku jiray Hoteel Wehliye xiliga uu dhacay Qaraxaasi, sida Saraakiil ka tirsan Booliska ay u sheegeen Idaacadda Shabelle.

Qaraxan ayaa la doonayay in lagu khaarajiyo sida la tilmaamay Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa ee Dalka soo maray inkastoo uu ka badbaaday.

Weli si dhab ah looma ogaan sababta ka dambeysa in la beegsado Sheekh Yuusuf.

Marka laga tago Gaari qarxay, ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay Qarxaasi uu ka badbaaday Sheekh Yuusuf Cali Ceynte.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo ku aadan Qaraxaas.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300