Published On: Fri, Jul 22nd, 2016

Sargaal ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay Galmudug

Al-Shabaab-afduubWararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Galmudug uu isku dhiibay Sargaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo lagu Magacaabo Maxamed Daahir “Timo-jilic”.

Sargaalkaan lagu Magacaabo Timo-jilic ayaa ka mid ahaa Shabaabka ku sugan Magaalada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug,waxaana uu sheegay inuu iskaga soo baxay Shabaab oo uu mudo ka tirsanaa.

Sidoo kale Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Galmudug ayaa Xaqiijiyay Jiritaanka warkaas,waxaana ay sheegeen in ay si fiican ula dhaqmayaan Sargaalka isku soo dhiibay.

Hayeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo Rag ka tirsan Shabaab ay isku soo dhiibaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Mudug iyo Galgaduud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300