Published On: Fri, Jul 22nd, 2016

Odayaal Dhaqameed oo laga qafaashay Degaan ku dhow Magaalada Marka

odayaal

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Xalay Maleeshiyaad hubeysan ay qafaasheen ku dhawaad 5 Ruux oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Degaanka Ceel-jaale oo ku dhow Magaalada Marka.

Nabadoon Maxamed Axmed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ay 4 Oday Dhaqameed kala soo baxeen guryaha ay deganaayeen Degaankaasi.

“Waxaa Xalay Guryahooda lagala baxay 4 Oday dhaqameed oo aad looga yaqaano Degaanka Ceel-jaalle, waxaa falkaasi afduubka ahaa geystay Maleeshiyaad hubeysan” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Axmed.

Nabadoonka ayaa waxu sheegay in aysan ka warqabin waxa keenay afduubka Odayaal Dhaqameedyadaasi.

Ilaa iyo hada lama oga halka ay cirib iyo jaan dhigeen Maleeshiyaadkii qafaashay Odayaashaasi.

Kala soco waxii ku soo kordha hadii Alla Idmo markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300