Published On: Fri, Jul 22nd, 2016

Madaxweynaha “Dhamaanteena waa in aan difaacnaa dalkeena”

madaxweynaha2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay kormeeray xerada ciidammada gaarka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay difaacaan Diinta, dalka, dadka iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidankan iyo taliyeyaashooda sida hufan ee ay uga soo dhalaalaan waajibaadkooda difaaca dalka iyo dagaalka ay kula jiraan Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin rajada iyo tusaalaha dib u dhiska ciidammada dalka iyo dib u soo celinta dowladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan, isla markaana loo baahan yahay in laga faa’iideysto iyadoo loo marayo dowladnimo hufan oo cadaalad ku dhisan.

Madaxweynaha ayaa ugudambeyn ayaa si gaar gaar ah mid mid ula hadley ciidanka gaarka ah ee kumandooska, isagoo u ballanqaaday in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii ay u dabooli lahayd caqabadaha ka haysta dhanka gudashada waajibaadkooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300