Published On: Thu, Jul 21st, 2016

Xiisad xoogan oo laga soo sheegayo deegaanadii lagu dagaalamay ee Sanaag

sanaag

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad colaadeed iyo dhaq dhaqaaq Ciidan uu ka jiro deegaan hoostaga Gobolka Sanaag.

Xiisadda ayaa ka aloosan Tuulada Labho oo hoostaga deegaanka Dahar ee Gobolka Sanaag halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Labada dhinac ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo guluf xoogan ka wada Tuuladaasi Labho iyadoona dadkii degenaa halkaas ay isaga barakaceen.

Isimada labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa ka digaya dagaal faraha looga gubto oo halkaas ka qarxa.

Qof deegaanka ah oo Shabelle ay qadka Taleefanka ku haleeshay ayaa u sheegay in wadnaha farta lagu hayo , islamarkaana xilli kasta dagaal halkaas laga filan karo.

Muddooyinkii dambe maamullada Soomaaliland iyo Puntland ayaa xiisadoodu waxa ay ka taagneed qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag oo ay isku hayaan maamulkeeda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300