Published On: Thu, Jul 21st, 2016

Warar Dheeraad ah: Dab xoogan oo ka kacay Degmada Afgooye

afgooye weerer

Dab khasaaro kala duwan geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu kaacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose, gaar ahaan halka loo yaqaano Mukayga oo bar-koontarool ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dabkaan ayaa la sheegayaa in uu geystay khasaaro hantiyadeed waxaana ku basbeelay Maqaaxiyo dhowr ah oo ka sameysnaa Cooshado kuwaasi oo ku yaalla halka uu dabku ka kacay.

Warar isqilaafsan oo ka soo baxaya dabka ayaa tibaxaaya in uu ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugan bar-koontarool ku yaalla halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Maamulka Degmada Afgooye, Mahdi Axmed Xasan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa wuxuu beeniyay in Dabkaasi uu ka dhashay Bam-Gacmeed lagu tuuray Ciidamada Dowladda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhiftay in dabka uu ka dhashay koronto.

Dhinaca kale, Askari ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Askari kale waxuu ku Dilay Degmada Xamar-Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Askarigaasi ayaa waxuu yimid sida la sheegayo kadib markii labada Askari ay murmeen.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in Askari falka Dalka ahaa geystay uu durbaba goobta isaga baxsaday.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Maamulka Degmada Xamar-Jajab oo ku aadan Dilka Askarigaasi ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300