Published On: Thu, Jul 21st, 2016

Saraakiil maamulka Jalalaqsi ku eedeeyay xiisadda ka taagan degmadaasi.

jalalaqsi-1-696x463

Cabdi Muxumud Sheekh Xasan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Milatariga ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cabdulle Fiidow iyo Saraakiisha Jabuuti ee halkaasi ku sugan qalalaaso labadii maalin la soo dhaafay ka dhacay degmada Jalalaqsi.

Sarkaalkaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in Guddoomiyaha Jalalaqsi uu amar ku siiyay Ciidamada Jabuuti Warbixin ku aadan in ay hub ka dhigis ku sameeyaan Milatariga ku sugan  degmada uu ka arrimiyo  isagoo ku sheegay in ay yihiin Maleeshiyaad sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale Sarkaalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Saraakiisha Milatariga ee Jalalaqsi ku sugan aysan raali ka ahayn Dibadbaxyadii ka dhacay degmadaasi , waxuuna meesha ka saaray in Ciidamo ka gadooday shaqaaqadii ka dhacday halkaas ay fariisin ku yeesheen duleedka jalalaqsi.

Dhawaan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa Askari Soomaaliyeed ku dilay Magaaladaasi Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan taas oo abuurtay xiisad xoogan

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300