Published On: Thu, Jul 21st, 2016

Kulamo gaar gaar ah oo ka socda gobolka Hiiraan

beelaha-hiiraan
Wararka saakay ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in kulamo gaar gaar ah ay magaaladaasi ku yeelanayaan Duubabka Dhaqanka gobolka Hiiraan.

Todobaadkan gudihiisa magaalada Beledweyne waxaa kulan ku yeeshay xubno ka socday urur goboleedka IGAD iyo Waxgaradka Hiiraan, iyadoo kulankaas ay yeesheen aysan ka soo bixin natiijo la taaban karo.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo halkaasi u gaaray sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dhameystirka shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wafdi ka socda IGAD ayaa ayaa waxa ay tiro 3 jeer ah ay gaareen magaalada Beledweyne, iyagoo kulamadii ay la qaateen Waxgaradka Hiiraan uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Shalay ayay aheyd markii kulan ay magaalada Beledweyne ku yeesheen Waxgaradka Hiiraan ay ku sheegeen in dhowaan ay caleemo saari doonaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, sidoo kalena ay sameysan doonaan maamul ka madax banaan dowladda Soomaaliya

Share on Google+0Share on LinkedIn0Email this to someoneTweet about this on Twitter0Digg thisShare on Facebook0

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300