Published On: Wed, Jul 20th, 2016

Somaliland oo sheegtay in aanay eryi doonin Hey’adda Nile Academy

Nile-academy
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay deegaanadooda ka saari doonin Hey’adda Turkiga laga leeyahay ee Nile Academy, kadib markii dowladda Soomaaliya u qabatay Hey’addaas inay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahood.Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Hey’adda Nile Academy ay sharci ku joogaan deegaanada Somaliland, isla markaana ay eryi karaan oo kaliya hadii ay jebiyaan sharciga.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay cambaareynayaan isku daygii afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga, isagoo xusay in hadii uu hirgeli lahaa isku daygaas afgambi ay noqon laheyd dhibaato weyn oo ku soo biirta Bariga Dhexe.

Waxaa uu sheegay in aanan wax xiriir ah lagala soo sameyn arrinta ku aadan Hey’adda Nile, waxaa uu xusay in hey’adaas ka mid tahay hey’adaha sharciga ku jooga dalka.

Hey’adda Nile Academy ayaa ka mid ah Hey’ado uu maamulo wadaadka dibad jooga ah Fethullah Gulen oo lagu eedeynayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay isku daygii afgambi dicisooway ee jimcihii ka dhacay dalka Turkiga

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300