Published On: Wed, Jul 20th, 2016

Donald Trump oo loo doortay Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Jamhuuriga

donald tra

Donlad Trump oo markii horeba ugu cad cadaa xubnaha loo badinaayo inay musharax u noqdaan Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka, ayaa si rasmi ah kalsooni loogu siiyay inuu noqdo Musharaxa Matalaya Xisbigaasi ee doorashada ka qaybgalaya.

Shirkii uga socday Magaalada Claveland ee gobolka Ohio xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa si buuxda loogu caleemo saaray Mr Trump inuu noqdo ninka Matalaya Doorashada Xisbiga.

Ergada Gobolada ayaa si buuxda ugu codeysay Mr Trump, xilli la guda galay u codeynta qofka Musharaxa u noqonaya Xisbiga.

Donald Trump oo ka hadlay aragtidiisa ku aadan in loo doorto Musharaxa Xisbiga Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, uuna soo dhaweynaayo arintaasi.

Trump ayaa sheegay kalsoonida lagu doortay inay muujinayso sida loo baahan yahay in isbedel cusub uu galo dalka Mareykanka, wuxuuna rajo ka muujiyay Doorashada dhici doonta Bisha November ee sanadkaan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay sida kalsoonida leh ee aad iigu doorateen inaan noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waan soo dhaweynayaa kalsoonidiina, weyna isii kalsooni gelinaysaa.” Ayuu yiri Trump.

Donald Trump oo ah nin hadalo ad adag ku hadla, islamarkaana si aad ah u weerara dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka ku nool, ayaanan la garaneyn sida uu ugu soo bixi doono Doorashada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300