Published On: Mon, Jul 18th, 2016

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey Madaxweynaha Masar

Xasan-4

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah Al Sisi ayaa ku dhawaaqay in dowladdda Masar ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada soo celinta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Hadalka madaxweyne Sisi ayaa yimid kadib markii uu magaalada Kigali ee dalka Ruwanda uu kula kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud xilli ay ka qeybgalayeen shir madaxeedka midowga Afrika oo Kigali ka socda.

Sidoo, kale madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al Sisi ayaa dhigiisa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay sii wadayaan taageerada dhinac kasta leh oo lagu horumarinaayo Soomaaliya sida uu xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf.Calaa Yuusf.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay taageerada iyo garab istaaga Soomaaliya, caawimaada farsamo oo Masar ay siiso Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300