Published On: Mon, Jul 18th, 2016

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka dib ugu soo laabtey.

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo 17—18 July, ka socday magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda.

Shir Madaxeedka ayaa intaanu soo xirmin waxaa uu isku raacay in dib loo dhigo doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika. Madaxda Afrika ayaa isku afgartey in doorashada ay bisha January ka dhacdo magaalada Addis Ababa.

Ajendaha kale ee doorashada looga hadley waxaa ka mid ah miisaaniyadda Midowga Afrika, xasaradda dalka Jamhuuriyadda Suudaan iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay magaalada Kigali waxaa uu kula kulmey hoggaamiyeyaasha dalalka Suudaan, Masar, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.

—————–DHAMMAAD———————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300