Published On: Sun, Jul 17th, 2016

Mareykanka oo Turkiga ugu baaqay in ay sharciga u marto baaritaanka afgambigii Fashilmay

john kery

Dowladda Mareykanka ayaa dalka Turkiga waxa ay ugu baaqday inay si degan u baarto kiiska fashilmay ee ku aadan isku daygii lagu doonaayay in lagu afgambiyo dalkaasi.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Marekanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baaritaanka ku samayneyso isku-daygaasi afgembi.

Waxa uu sheegay eedeynta ku aadan in Dowladda Mareykanka ay arintaan ku lug leedahay inay dhaawaceyso xiriirka Turkiga iyo Mareykanka oo ku wada jira Isbaheysiga NATO.

Madaxweynaha dalka Turkiga Erdugan oo boqolaal dadweyne ah dalkaasi kula hadlaayay ayaa ugu baaqay Dowladda Mareykanka in loo soo gacan geliyo Fethullah Gulen oo ku nool dalka Mareykanka aadna loogu tuhmayo isku dayga fashilmay ee afgambiga.

Shacabka dalka Turkiga ayaa muujiyay kalsooni ku aadan inay taageersan yihiin Dowladood, kadib markii si adag ay uga hortageen isku daygaasi afgambi.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Millateriga dalkaasi ayaa loo xiray isku daygii fashilmay ee lagu doonaayay in lagu afgambiyo dalkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300