Published On: Sun, Jul 17th, 2016

Galmudug oo sheegay in ay dib ula wareegeen deegaanka Camaara

DCIM101MEDIA

Madaxa Howlgalinta Ciidanka Maamulka Galmudug  Cabdikariin Maxamed Maxamuud oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Ciidamada Galmudug ay dib ula wareegeen deegaanka Camaara ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa tilmaamay in deegaankaasi Xaaladiisu degantahay Ciidamada maamulka Galmudugna si buuxda gacanta ugu hayaan.

Geesta kale Madaxa Howlgalinta Ciidanka Galmudug ayaa carabaabay in Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab dhaq dhaqaaq Ciidan iyo abaabul dagaal ay ka wadaan deegaan ka tirsan Degmada Xarardheere balse sida uu hadalka u dhigay Taliyuhu in Ciidanka Maamulka Galmudug ay diyaar u yihiin ka hortagga weerar kasta oo ay soo abaabulaan.

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa shalay la wareegay deegaanka Camaara ee ku yaalla Koofurta Gobolka Mudug inkastoo Ciidanka Maamulka Galmudug ay dib si Nabad ah kula wareegeen deegaankaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300