Published On: Sun, Jul 17th, 2016

AMISOM oo la wareegay Marka iyo Qaraxyo ka dhacay Magaaladaasi

BREAKING NEWS

Wararkaa aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamada AMISOM ay maanta dib ula wareegeen Magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyeen in la wareegista AMISOM kadib Qaraxyo ay ka dhaceen Magaalada Marka.

Qaraxyada ayaa mid ka mid ah oo ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso waxa uu ka dhacay Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Marka.

Halka Qaraxa 2aad uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mid ka mid ah Qaraxyada ayaa lala eegtay Saraakiil Midowga Africa ka tirsan oo booqday Magaaladaasi Marka si ay u soo qiimeeyaan Xaaladeeda kadib maalmo markii ay heysteen Al Shabaab.

Warar ayaa sheegaya in inta la ogyahay Qaraxyada 1 Askari oo Ciidamada AMISOM ka tirsan uu ku dhaawacmay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300