Published On: Sat, Jul 16th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Turkiga

 Umit Dundar & erdogan

Ra’iisal wasaaraha Turkiga ayaa  goor dhoweyd ku dhawaaqay in la magacaabay taliye KMG ah oo ciidamada Turkiga yeelan doono kadib isku daygii afgembi ee dhicisoobay.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Umit Dundar. arrintan ayaa ka dambeysay markii taliyihii hore xaaladiisa ay mugdi gashay.

Wakaalada wararka Turkiga ayaa shaacisay in la qabtay ciidamo gaaraya 754, waxaana xilalka laga qaaday 29 Korneyl iyo 5 Jeneraal.

Dhinaca kale saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in askar weli gadoodsan ay heystaan dhowr Helikobtar, balse laga xakameeyay diyaaradaha dagaalka.

Hore ayuu Ra’iisal wasaaraha Turkiga amar ugu bixiyay inay ciidamadu soo ridaan diyaradaha ay adeegsanayaan ciidamada wada inqilaabka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300