Published On: Sat, Jul 16th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay isku daygii Afgambiga Turkiga

TurkishAttemptedCoup20160716_1

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay wali iyada mas’uul ka tahay xukunka dalka, iyadoo ay sii socdaan qab qabashada askarta iyo saraakiisha ku lugta lahaa isku daygii afgambi ee fashilmay.

Kumanaan ruux ayaa soo buuxiyay buundada Istanbul, waxaa ay calanka Turkiga ay dul sureen gawaarida Ciidamada Milateriga ee ay xalay ku gooyeen Buundada.

Shacabka ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo taageersan Madaxweyne Erdogan, tallaabada ay qaadeen ayaa waxay ka dhigan tahay inay u dagaalameen dimoqraadiyada, ayna ka hor-tageen in Milateriga awooda dalka la wareegaan.

Waddooyinka ayaa waxaa lagu arkayay askarta oo ay garaacayaan shacabka, dharkii milateriga oo ay wateen, koofiyadihii iyo qoryihii oo dhulka lagu waray.

Xalay ayaa markii ay dadweynaha ay isugu soo baxeen waddooyinka waxay isu hor-dhigeen Taangiyada iyo baabuurta ciidamada, iyagoo diidanaa inay afgambiyaan dowlad sharci ah.

Shacabka Turkiga iyo Ciidamada Booliska ayaa qab qabanaya askarta ka dambeysay shirqoolka milateriga, iyadoo ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda dowladda.

Baarlamaanka Turkiga ayaa goor dhow shir deg deg ah ka yeeshay isku dayga afgambi ee fashilmay, sidoo kale axsaabta mucaaradka ayaa cambaareeyay isku dayga afgambiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo ku sugan istanbul ayaa ku hanjabay inuu ciqaab adag la kulmi doonaan kooxihii ka dambeeyay isku dayga afgambiga.

Ku simaha Taliyaha Ciidamada Milateriga Gen, Umit Dundar ayaa sheegay in la dilau 104 ka mid ah kooxdii waday shirqoolka afgambiga, isla markaana la xiray 1,563 ruux.

Waxaa uu sheegay in is rasaaseyntii iyo qaraxyadii xalay dhacay ay ku dhaawacmeen illaa 1,154 ruux

Waxaa la soo warinayaa in la soo bad baadiyay Taliyihii Milateriga, hase ahaatee waxaa jira saraakiil milateri oo wali afduub loo heysto.

Turkiga ayaa waxaa uu caan ku ahaa afgambiyada milateriga, kaasoo soo bilowday 1960, balse afgambigan dhicisoobay ayaa ka duwanaa kuwii hore, iyadoo ay is hor-taageen shacabka Turkiga.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300