Published On: Sat, Jul 16th, 2016

SAWIRO:Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka 27-aad ee Midowga Afrika

kigali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degay magaalada Kigali ee caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda, halkaa oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shirka Midowha Afrika ka sokow waxaa uu ka qeybgeli doonaa Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, kaas oo lagu lafaguri doono xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan iyo weliba hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale maanta hoyga uu ka deggan yahay magaalada Kigali, kulan kula yeeshay Linda Thomas-Greenfield oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika.

Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, xaaladda dalka Soomaaliya, dhinacyada siyaasadda, doorashada 2016 iyo arrimaha amniga.

kigali1 kigali3 kigali4 kigali5 kigali6

—————–ENDS———————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300