Published On: Fri, Jul 15th, 2016

Ciiddan Ugandhese ah oo lagu dhaawacay dalka Koonfurta Suudaan.

KENYA SUDAN

Ugu yaraan 3 Askari ayaa lagu dhaawacay weerar ay Kooxo hubeysan la beegsadeen Kolonyo ay Ciiddanka Uganda la socdeen oo maraysay Bariga Gobalka Egwatoor ee Bariga dalka Koonfurta Suudaan.

Afhayeenka Guutada 4-aad ee Uganda, Gaashaanle Xasan Kato oo la socday Kolonyada la weeraray ayaa xaqiijiyey weerarkaasi, inkastoo uu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Padhi Ankunda ayaa soo dhigay bartiisa Twitterka in Ciiddankaasi ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Uganda waxay labo kun Askari shalay u dirtay dalkaasi, si loo soo daad-gureeyo Dadka Ugandheska ee ku go’doomay dagaalladda ka socda dalka Koonfurta Suudaan.

Dhinaca kale, 11 qof oo rayid ah oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu dilay dalkaasi, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Uganda, Oryem Okello oo shalay la hadlay Barlamaanka dalkiisa

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300