Published On: Thu, Jul 14th, 2016

Nabadoon lagu Gowracay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

beled weyne somalia

 

Wararka aan ka heleyno Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Nin Nabadoon ahaa oo la gowracay Meydkiisa laga helay Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Marxuumkaan ayaa lagu Magacaabi Jiray Cali Santuur kaas oo can ka ahaa duleedka Baladweyne..

Waxaana falkaan uu ka dhacay Deegaan lagu Magacaabo Bisle oo dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Lama oga cidda ka dambeysay Gowraca Ninkaasi iyo sababta loo Gowracay intaba iyadoona Meydka Ninkaas Argagax  xoogan uu la soo darsiyay shacabka meesha Meydka laga helay degan.

Ma jiro wax war ah oo maamulka Gobolka Hiiraan ay ka soo saareen gowraca Nabadoonkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300