Published On: Thu, Jul 14th, 2016

Daacish oo xaqiijisay geerida Wasiirkeedii dagaalka Omar Shishani

page_iside-yakin-kaynaklar-el-sisaninin-olduruldugunu-acikladi_131153135
Kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geeridii Omar Shishani oo xil sare ka hayay kooxdaas, kaasoo la dilay dhowr bilood ka hor.Wakaalad wararka u faafisa Daacish oo lagu magacaabo Amaq ayaa sheegtay in Shishani uu ahaa halyay, laguna dilay dagaalo ka dhacay waqooyiga Ciraaq.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Omar Shishani uu ahaa nin ku xeel dheer abaabulka dagaalka, isla markaana ahaa Wasiirka dagaalka.

Ninkan ayaa ka soo jeeda Gobolka Checheniya ee Ruushka, waxaana uu horay uga soo qeyb qaatay dagaalo adag oo lala galay Ciidamada Ruushka.

Omar Shishani ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa shan milyan oo dollar, iyadoo Mareykanka uu aad u doon doonayay.

Bishii Maarso saraakiil milateri oo Maraykan ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha dalkaasi ka geysteen dalka Suuriya.

Kooxda ISIS ama Daacish ayaa bilihii u dambeeyay weysay dhowr saraakiil, kuwaasoo lagu dilay duqeymo iyo dagaalo ka dhacay Suuriya iyo Ciraaq.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300