Published On: Wed, Jul 13th, 2016

Xildhibaan Goodax Barre oo sheegay inay garab taagan yihiin go’aanka Odayaasha reer Hiiraan

 xildhiban

Kadib markii shalay uu fashil ku dhamaaday Shirkii u dhaxeeyay Xubnaha ka socday Urur Goboledka IGAD ee gaaray Magaalada Baledweyne iyo Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan, ayaa Xildhibaan Goodax Barre wuxuu sheegay inay taageersan yihiin go’aanka Odayaasha.

Odayaasha Reer Hiiraan ayaa diiday ka qaybgalka Shirka Magaalada Jowhar, waxaana wafdiga IGAD ay hor dhigeen Shuruudo adag oo ay sheegeen, hadii la fuliyo inay Shirkaasi ka qaybgalayaan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aanka Odayaasha Islamarkaana ay garab taagan yihiin.

Wuxuu sheegay Odayaasha Dhaqanka inay ka dhiidhiyeen Dulmi sida uu sheegay laga wado Magaalada Muqdisho, Gobolka Hiiraana uu wax la qaybsanaayo waxa ka socda dalka.

“Waxa ka socda dalka ayuu wax la qaybsanayaa Gobolka Hiiraan, Odayaashana waan la garab taagannahay go’aankooda.” Ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay muddo Shan maalmood ah inay kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan Dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Baledweyne, kadibna go’aankooda oo cad uu soo bixi doono.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ayaa hakad ku jira, kadib markii Odayaasha reer Hiiraan diidmadooda Shirkaasi saameyn weyn ay ku yeelatay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300