Published On: Wed, Jul 13th, 2016

Booliska Kenya oo Magaalada Nairobi ku toogtay labo dhalinyaro Somali ah

 cemeron

 

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ciidamada Booliska Kenya ayaa Bartamaha Xaafada Islii ee Somalida ay ku badan tahay, waxa ay ku toogteen labo ruux oo dhalinyaro Somali ah.

Dilka labadan ruux ee dhalinyarada ayaa dhacay xalay fiidkii, kadib markii ciidamada Booliska ay soo galeen Xaafada Islii, kadibna ay toogteen dhalinyaradaasi labada ah.

Booliska ayaa sheegay labada dhalinyarada ah ee ay dileen inay ahaayeen rag Burcad ah oo dhici jiray dadka ku nool Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Mursal Quule oo ah Suxufi ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska inay sheegeen dilka labadaasi Dhalinyaro inuu yimid, kadib markii dad ka soo baxay Masaajidka ay isku dayeen inay dhacaan.

Booliska ayaa laga soo xigtay in labada dhalinyaro laga helay Toorey iyo Bistoolad dhaca ay ku geysan jireen, waxaana la sheegay dhalinyaradan inay qayb ka ahaayeen Koox lagu magacaabo Super Power oo ah Dhalinyaro isku tagay.

Dilka loo geystay labadan dhalinyarada ah ayaa wuxuu cabsi ku abuuray dadka Somalida ah ee ku nool Xaafada Islii, maadaama ay ka naxeen sida bareerka ah ee Booliska ay u toogteen labadaasi ruux.

Muddooyinkii dambe Xaafada Islii ayaa waxaa ku soo badanaayay dhaca loo geysanaayo dadka habeenkii ku socdaala Xaafadaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300