Published On: Tue, Jul 12th, 2016

Toogasho ka dhacday Maxkamad ku taala dalka Mareykanka (SAWIRRO)

Michigan5

Toogasho, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ka dhacday Xarun Maxkamadeed oo ku taala Degmada Berrien ee Gobolka Michigan.

Toogashadan, ayaa waxaa gaystay nin maxbuus ahaa oo dacwadiisu ka socotay Maxkamadda, ka dib markii la sheegay in bistoolad uu ka fara maroojiyay Sarkaal ka tirsanaa ilaalada Maxkamadda.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaaya qaabka ay ninkaasi ugu suurtagashay inuu gacanta ku dhigo hubka wax dila, balse wararka ugu buuran waxay sheegayan in is qabqabsi uu soo kala dhex galay laba Sarkaal, taasina ay ka caawisay in mid ka mid ihi hubkii uu watay uu ka xooggo.

Ninkan oo rasaas oodda kaga qaaday dadkii ku sugnaa Maxkamadda, ayaa dilay laba ka mid ah Saraakiisha Maxkamadda, halka mid kalana uu dhaawacay.

Ciidan kolkii dambe gudaha u galay Xarunta Maxkamadda, ayaa toogasho ku dilay maxbuuskii dadka ku dilay Maxkamadaasi.

Sarkaalkii bistooladda laga dafay, ayaa la soo sheegayaa in toogashadaasi uu ku dhaawacmay, isla-markaana aanay darnayn xaaladiisu.

Hay’adda Dembi Baarista ee FBI-da Mareykanka, ayaa waxay bilowday baaritaan ku aadan toogashada ka dhacday Gobolka Michigan.

Michigan Michigan2 Michigan4 Michigan5 Michigan5- Michigan7- Michigan8 Michigan6 Michigan2 An ambulance is seen outside the Berrien County Courthouse in St. Joseph Michigan3 Michigan4-Michigan9

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300