Published On: Tue, Jul 12th, 2016

Haween Soomaaliyeed oo maxkamad uga bilaabatay dalka Mareykanka

5965
Maxkamad ku taala magaalada ALEXANDRIA ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka bilowday dacwad loo heysto labo haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab.Haweenkaan Soomaaliyeed ayaa lagu kala magacaabaa Hinda Cismaan Dhiirane iyo sidoo kale Muno Cusmaan Jamac.

Haweenkaan ayaa lagu eedeeyay in ay Al-Shabaab ku taageereen taageero lacageed iyo sidoo kale mid ah gubaabin ah sida ay in ay suugaan ku cabiraan dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika.

Paula Deutsch, oo ah qareenka maxkamadda Fedaraalka ah ee dalka Mareynkanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la marsiiyo sharciga haween Soomaaliyeed madaam ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab.

Haweenkaan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay taageero ka geysteen weerarkii lagu qaaday Suuqa westegate Moli ee dalka Kenya,halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 67 qof.

Qareenka Difaacaya haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan wax xariir ah la la ahey Al-Shabaab,islamarkaana lacagta ay u soo diri jireen qaraabadood oo ku sugan Geeska Afrika.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300