Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Xasan Sheekh “Rajo badan ayaan ka qabaa dadka Somaliyed inay fursad kale i siiyaan oo aan dalka ku hogaamiyo

Xasan_Shiikh_Soamalia_PR_Muqdisho_HOL
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Waqtiga Shaqada Xafiiska uu gabo gabo sii marayo, maadaama dalka la filaayo inay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dalka ayaa Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo mar kale inuu helo fursad uu dalka ku hogaamiyo.

Madaxweyne Xasan oo talada dalka iminka haya, sidoo kalena soo haayay Sanadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya inuu markale u taagan yahay inuu hogaamiyo Somaliya.

Waxa uu sheegay go’aanka inay leeyihiin shacabka Somaliyed, inkastoo Doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa sanadkan shacab aysan saameyn ku laheyn, maadaama Xildhibaano ay wax dooranayaan.

Madaxweynaha wuxuu tilmaamay marka uu ka hadlaayo rajada uu ka qabo hogaaminta dalka iyo helida fursad kale inay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu rajo wanaagsan ka qabo arintaasi.

“Aniga Doorashadeyda dabcan aniga isma xukumi karo dadka Somaliyed ayaa I xukumi doona iyo Baarlamaanka imaan doona, laakiin rajo badan ayaan ka qabaa dadka Somaliyed fursad kale maadaama aan aaminsanahay in aan wax fiican dalka u soo qabtay oo fursad kale la siin doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysigan siiyay Tv-ga Universal ayaa la weydiiyay saadaasha uu ka bixin karo inuu ka guuleysan karo Musharaxiinta la tartami doonto xilka Madaxtinimada Somaliya.

“Horta Saadaasha Mustaqbalka waa ay dhib badan tahay Dadka Somaliyed kuligood waa dad mudan inay xilka qabtaan oo awood u leh inay masuuliyada qabtaan dad badan waagii 2012-ka isma laheyn inaan anigu Madaxweyne noqonaayo, maantana anigu inaan ka hor dhaco marabo oo aan saadaaliyo oo hebel ma qaban karo iyo hebel ma qabanaayo inaan dhaho ma rabo, dadka waxa ay joogaan marxaladii anigu aan joogay siyaasiyiinta waana soo dhaweynaa.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan.

Dad badan ayaa dhaliilsan qaabka Shaqo ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ku eedeynayaan mudadii Saddexdo sano iyo dheeraadka aheyd inuusan qaban shaqooyin badan oo loo baahnaa inuu qabto.

Si kastaba Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan ayaa waxaa jira Musharaxiin kala duwan oo Miisaan ku leh Siyaasada Somaliya inay u taagan yihiin qabashada Hogaanka dalka, inkastoo aanan saadaal laga bixin karin cida guuleysanaysa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300