Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhambaal ka helay hoggaamiyaha Uganda

ugandhaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal qoraal ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Dhambaalka oo ku saabsanaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ayaa waxaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay Ambassador James Baba oo ah ergey gaar ah oo ka socday Madaxweyne Museveni.

Madaxweynaha iyo ergeyga ayaa ka wadahadley arrimaha dib u dhiska ciidammada Soomaaliya, doorashooyinka ka dhacaya dalka sannadkan iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ergeyga ka codsadey inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Madaxweyne Yoweri K. Museveni iyo shacabka Uganda sida ay mar walba u garab taagan yihiin Soomaaliya.

ugandha1 ugandha2

———————DHAMMAAD——————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300