Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Kenya oo lagu diiday codsi ay u jeedisay Qaramada Midoobe

Uhuru Kenyatta
Dhawaan madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa codsi u diray golaha ammaanka Qaramada Midoobe kasoo ku aadana in howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya loo wareejiyo Qaramada Midoobe in ay maamusho.

AMSIOM  waxaa maamulo Midowga Afrika waxaana dowladda Kenya ay rabtaa in laga wareejiyo Midowga Afrika loona wareejiyo Qaramada Midoobe.

Kulan ay yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayay gaashaanka u daruureen rajada dowladda Kenya ee ah in ay qaramada Midoobe ay maamusho ciidanka AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Dhawaan kulan dhexmaray madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru kenyatta iyo sidoo kale xoghayaha guud Qaramada Midoobe Banki Moon ayaa dowladda Kenya ku codsatay in qaramada Midobee lagu wareejiyo howlgalka AMSIOM .

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah dowladdaha ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya,waxaana marar badan dhacday in ay ku hanjabto in ay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300