Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Guddoomiyihii hore ee Marka oo dhibaatada Magaaladaasi ku eedeeyay Masuuliyiinta Koofur Galbeed

 Yariisow-1-696x520

 

Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yariisow oo Shabelle la hadlay ayaa ku eedeeyay dhibaatada ka dhaceysa Magaaladaasi Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in Bandow lagu soo rogay Magaalada Marka ay ka dambeeyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo uu sheegay in dano siyaasadeed ay ka leeyihiin.

“ Maxay Baraawe Bambo uga dhici weysay, Maxay Afgooye uga dhici weysay , Maxay Qoryooleey uga dhici weysay” sidaas waxaa yiri Maxamed Cismaan Yariisow.

Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka ayaa sheegay in Wasiirada maamulka Koofoofur Galbeed oo Xeryaha AMISOM ee Magaalada Marka degan ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladda Magaalada Marka.

Shalay ayey ahayd markii shacab fara badan ay ka barakaceen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose kadib Amni darrida ku baahday Magaaladaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300