Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay bu burisay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Sh.Hoose

269
War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta howl gallo qorsheysan oo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ka fuliyeen degaanka Goobaanle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Deegaanka Goobaanle ayaa saldhig ay isku uruursadaan u ahayd Al Shabaab, hase yeeshee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo adeegsanaya xeelado sare oo dhanka dagaalka ah ayaa si fudud halkaasi ku galey, isla markaana burburiyey dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ay ka wadeen argagixisada, iyagoo aan la kulmin wax iska caabbin ah oo sidaa u weyn”ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in goobtan ay u aheyd Al-Shabaab inay ku keydsadaan hubka iyo qalabka kale ee dagaalka ee ay u adeegsadaan weerarada argagixiso sida lagu yiri War saxaafadeedka.

“Jabkani ayaa waxaa uu ka dhigan yahay guul u soo hoyatey shacabka degaanka Goobaanle iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa dhowaanahan guuldarooyin waaweyn loogu geystey goobo ka baxsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida gobolka Jubbada Hoose iyo goobo kale”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka uu ku saxiixnaa Afhayeenka Madaxtooyada.

Ciidamada Soomaaliyeed ee sida gaarka ah u tababaran ee hoos yimaada Ciidanka Qalabka Sida, ayaa hawshooda ay tahay inay meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Guulahan ayaa muujinaya in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay argagixisada Al Shabaab ka suuliyaan Soomaaliya oo dhan sida lagu yiri War saxaafadeedka.

2-dii bishan ayay aheyd markii war saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada lagu sheegay in dhowaan howl gallo laga bilaabayo gobollada Jubbooyinka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300