Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Dagaallo xooggan oo dib uga soo cusboonaaday Caasimada Juba


Dagaallo xooggan ayaa dib uga soo cusboonaaday Caasimada dalka Koofurta Sudan ee Juba, kaasoo u dhaxeeyo ciidamo daacad u ah Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan Reik Machar iyo Ciidamada dowladda.

Saraakiil u hadashay Ciidamada Reik Machar ayaa sheegay in dagaalka ay ku soo qaadeen Ciidamada Milateriga, kuwaasoo soo weeraray fariisimo ciidamadooda ku lahaayeen qeybo ka mid ah magaalada.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu xooggiisa ka socdo meel ku dhow xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee ku sugan Koofurta Sudan.

Dagaalka maanta ka socda Juba ayaa ka culus dagaaladii jimcihii iyo khamiistii dhacay, waxaana ka qeyb qaadanaya Taangiyo iyo diyaaradaha Helicopters.

Xaalada magaalada Juba ayaa aad u kacsan, iyadoo la arkayo ciidamo fara badan oo waddooyinka taagan, kuwaasoo feejigan.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka uu geystay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la heyn tiro rasmi ah.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa durbaba walaac ka muujiyay dagaalada dib uga soo cusboonaaday Juba, waxaana ay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo waxa sababay dagaalka.

Dagaalka ka socda Caasimada Juba ayaa saameyn ku yeelatay garoonka diyaaradaha, iyadoo shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ay joojisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay garoonka diyaaradaha Juba.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300