Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Daacish oo soo riday diyaarad Helicopter uu lahaa Ruushka (Sawirro)

 diyarad-helo

 

Kooxda Daacish ayaa soo riday diyaarad Helicopter uu lahaa Ruushka, xilli ay duqeyn ka waday agagaarka magaalada Palmyra, halkaasoo dagaalyahanada Daacish ay weerar ku soo qaadeen.

Labo ka mid ah duuliyeyaasha diyaarada oo u dhashay dalka Ruushka ayaa ku dhintay diyaarada soo dhacday.

Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Amaq ayaa soo bandhigtay muuqaalo diyaarada Helicopter oo sii dhaceysa, isla markaana ku bur burtay duleedka Palmyra.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in diyaarada la soo riday, xilli ay rabtay inay dib ugu soo laabato xeradii ay ka kacday.

Ruushka ayaa taageeraya dowladda uu hoggaamiyo Bashaar Al-Asad, kaasoo shantii shano ee la soo dhaafay kacdoono uga imaanayay Kooxaha Islaamiyiinta iyo jabhado kale oo ku kacsan.

Bishii November ayay aheyd markii Diyaarad dagaal uu lahaa Ruushka ay soo riday dowladda Turkiga, kadib markii ay ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

diyaarad-heli diyarad-helicop diyarad-helo

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300