Published On: Sun, Jul 10th, 2016

Ciidanka AMISOM iyo Malleeshiyo Isbaaro u taallay oo ku dagaallamay Baladweyne

 HIIR-620x330

 

Wararka ka imanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM iyo koox Hubeysan oo ay Isbaaro u taallay Magaalada ay ku dagaallameen halkaasi.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay dagaalkaasi,inkasta oo aan wali rasmi loo shaacin,waxaana ay Ciidanka AMISOM ku guuleysteen in ay halkaasi ka ceyriyaan Raggii ay Isbaarada u taallay.

Ciidanka AMISOM ayaa ku baxay halka ay taallay Isbaarada,waxaana markii ay tageen la kulmeen Rasaas,halkaas oo ay ka billaabatay is rasaaseynta.

Xaafadaha Baladweyne qaar ka mid ah ayaa waxaa ku sugan Malleeshiyaad huebysan una abaabulan qaab qabiil,kuwaas oo mararka qaar ku dagaallama gudaha Magaalada Baladweyne.

Ciidanka AMISOM,wali kama hadlin isku dhaca Saak ay kala kulmeen Malleeshiyada ay kula dagaallameenm jid-gooyada u taallay Baladweyne.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300