Published On: Sat, Jul 9th, 2016

Qaramada Midoobay oo lacag ugu deeqday Dowladda Somaliya

QM

 

Qaramada Midoobay ayaa dhaqaalo ugu deeqay Dowladda Federalka Somaliya, dhaqaalahaasi oo si toos ah ugu soo dhici doono Bankiga Dhexe ee Dowladda Somaliya.

Lacagtaan ayaa waxaa bixiyay Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobay, waxaana cadadkeeda lagu sheegay 2 million oo dollar-ka Mareykanka, sida lagu cadeeyay War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay.

Qarashkaan ayaa wuxuu soo marayaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya, kadibna wuxuu si toos ah ugu dhacayaa Bankiga dhexe, iyadoo loogu talo galay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Somaliya.

Lacagtaan ayaa la sheegay in qaybta hore lagu maalgelin doono Gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose ,iyo sidoo kale gobolka Kale oo aysan shaacin magaciisa.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in arintaasi ay si weyn u soo dhaweynayaan hadii ay yihiin Dowladda Federalka Somaliya.

Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobay oo lacagtaan bixiyay ayaa sheegay in dowladda Somaliya ay hada u baahan tahay in laga taageero dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Somaliya ayaa la filayaa dhawaan inay ka dhacdo Doorasho ku aadan Hogaanka dalka, inkastoo aysan si aad ah aysan u muuqan saan saanta Doorashadaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300