Published On: Sat, Jul 9th, 2016

Puntland oo Wariyayaasha ku amartay in ay isdiiwaan geliyaan,Wareegto

puntland

 

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Max’uud Xasan Soocadda ayaa lagu faray Wariyayaasha iyo hay’daha Wrabaahineed ee ka howlgala deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo in ay iska diiwan geliyaan Wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Wareegtada uu soo saaray Wasiir Soocadda ayaa wariyayaasha loogu hanjabay in haddii Wariyuhu uusan is diiwaan gelin uusan war ka diri karin Puntland,haddii ay dhacdana tallaabo sharciga waafaqsan sida uu yiri laga qaadayo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa Bishii Ramadaan Wariyayaasha ugu hanjabay in ay dili doonaan haddii aysan qaadanin Amarrada Maamulka Puntland sidoo kalena joojin wararka ka hor imanaya Maamulka Puntland.

Waxaa uu sidoo kale ku hanjabay in uu xirayo mid ka mid ah TV-yada ka howlgala degaannadaasi oo uu sheegay in uu qabtay Dood ku saabsan Caburinta Puntland ay ku heyso Warbaahinta Madaxbanaanpuntlan

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300