Published On: Sat, Jul 9th, 2016

Joseph Boinnet “Shabaabka Diif soo weeraray ku dhawaad 100 ayeey ahaayeen

 diif

 

Inkastoo Ururka Al Shabaab ciidankooda, dib uga baxeen Saldhiga Deegaanka Diif oo xalay Saqdii dhexe ay qabsadeen, ayaa Saraakiisha ciidamada Kenya wax aay ka hadleen weerarka qorsheysan ee Shabaabka deegaankaasi ay ku qaadeen.

Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet, ayaa u sheegay Warbaahinta dalka Kenya in weerarkaasi uu jiro oo Shabaabka ay soo qaadeen.

Wuxuu ku faanay in ciidamada Kenya ay iska difaaceen weerarka Shabaab ay soo qaadeen, islamarkaana dhankooda hal Askari uu kaga dhaawacmay weerarkaasi.

“Waxa uu ahaa weerar xoogan laakiin waan iska difaacnay inkastoo Shabaabku ay dhamaayeen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo hubeysan ciidanka ayaa si weyn iska celiyay dib ayaan u ceyrinay.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Joseph Boinnet.

Sarkaalkaan ayaanan sheegin Khasaare ciidamada Shabaabka ka soo gaaray weerarkaasi, isaga oo sidoo kale aanan sheegin ciidamada Shabaab inay qabsaden Saldhiga deegaanka iyo in kale.

Shabaabka ayaa Warbaahintooda waxa ay sheegeen inay qabsadeen Deegaanka islamarkaana ay dal dasheen dhamaan hubkii yaalay halkaasi.

Majirto ilo ka madaxbanaan Al Shabaab oo xaqiijinaysa inay gacanta ku dhigeen Shabaabka hubkii yaalay Saldhiga Deegaanka Diif oo ciidamada Kenya ay ka carareen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300