Published On: Fri, Jul 8th, 2016

Xiisad colaadeed oo saakay ka taagan Galgaduud

Vivitar

Vivitar

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Mareer-guur ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xiisado colaadeed laga dareemayo halkaasi.ciidamada maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunah iyo ciidamada maamulka Galmudug ay saakay la sheegay in ay isku hor fadhiyaan deegaanka Mareer-guur ee ka tirsan gobolka Galgaduud.

Xiisadan colaadeed ee saakay ka taagan gobolka Galgaduud ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay soo gaareen meel ku dhow deegaankaasi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in laga baqdin qabo in ay isku dhacaan ciidamada maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunah iyo ciidamada maamulka Galmudug, inkastoo Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ay arintaasi ka gaabsadeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Ururka Ahlu Sunah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ciidamadooda ay ku sugan yihiin goobtii horey ay fariisinka ku lahaayeen, sidoo kalena halkaasi ay ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo mar walba ay sameeyaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300